Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dawlada UK Oo Gudi Xaqiiqo Raadin ah U Dirtay Shirkadaha Google iyo Twitter.



Thu 08 February 2018.

Xildhibaano ka tirsan guddiga dhaqanka, saxaafadda, ciyaaraha iyo tijnoolajiyadda ee baarlamaanka Britain ayaa gaadhay dalka Maraykanka, halkaas oo ay kulamo kula yeelanayaan shirkadaha waaweyn ee Google, Twitter iyo Facebook.

Ujeedka safarka ayaa lagu sheegay sidii ay wax uga ogaan lahaayeen wararka been abuurka ah ee kusoo batay baraha bulshada iyo qalabka internet-ka, gaar ahaan farogalinta la sheegay in Ruushka ay ku samaynayaan doorashooyinka dimoqoraadiga ah ee dalalka reer Galbeedka ka dhaca.

Ra'isulwasaaraha Britain Theresa May ayaa Ruushka ku eedeysay in ay hub ahaan u isticmaalayaan qalabka warfaafinta, waxaana xitaa la sheegay in ay farogalinayaan doorashooyinka Britain.

Guddigan oo hor tagaya madaxweyne ku xigeenka Google Richard Gingras iyo Juniper Downs oo ah madaxa xiriirka dadweynaha ee YouTube, Sidoo kale ee guddiga hortiisa qiraalka ka bixinaya waxaa ka mid ah madaxweyne CNN Tony Maddox, iyo agaasimaha wargeyska New York Times, waxayna ka hadlayaan saamaynta uu warbaahinta ku yeeshay wararka been abuurka ah ee lagu baahiyo baraha bulshada.

Safarka Gudigan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee xildhibaano UK ah ay meel ka baxsan dalkaas ku sameeyaan dhagaysi dadweyne oo si toos ah loo baahinayo.



75 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines