Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Al-Qaacida Oo la Sheegay Inay ku Xoogan yihiin Soomaaliya.



Thu 08 February 2018.

Ururka Al-Qaacidda ayaa lagu waramayaa in awood buuxda ay ku leeyihiin meelaha qaar caalamka, waxaana la sheegay in ay ka xoog badan yihiin Ururka Daacish, sida lagu sheegay warbixin qoraal ah oo ay saareen khubaro ka tirsan Hay’adda Qaramada Midoobay.

Waxa ay sheegtay Qaramada Midoobay in ururka Al-Qaacidda uu aad ugu awood badan yahay kooxda Daacish marka loo eego dalalka Soomaaliya iyo Yemen.

Waxaa kaloo warbixinta lagu sheegay in Al-Qaacidda ay awood ka badan midda kooxda Daacish ku leedahay Galbeedka Afrika iyo Koonfurta Aasiya, waxaanala la aaminsan yahay in Ururada xiriirka la leh Al-Qaacidda ay ka badan yihiin Daacish.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Ururka Al-Qaacidda uu halis ku yahay wadamo badan, oo magacyadooda aanay Qaramada Midoobay shaacin, kuwaasi oo ku yaalla Caalamka.

Warbixinta Qaramada Midoobay oo aheyd mid dheer ayaa sidoo kale lagu sheegay in Al-Qaacidda ay qorsheyneyso weeraro culus oo ay dalalka caalamka ka fuliso, si awoodeeda urureed ay u muujiso.



108 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines