Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Adeeg Caafimaad Bilaash ah Oo Lagu Xusayo Sanad-guuradii 1aad Ee kasoo Wareegtay Doorashada Farmaajo(Sawirro)



Thu 08 February 2018.

Sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay doorashadii Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga bilaabay barnaamijyo sama fal ah oo adeeg caafimaad lacag la’aan loogu sameynayo dadka danyarta ah.

Teendhooyin la dhigay waddooyinka oo lagu xardhay sawirka Madaxweyne Farmaajo ayaa koox kalkaaliyeyaal caafimaad iyo dhaqaatiir ay dadka ugu sameynayaan baaritaan caafimaad.

Goobo dhowr ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho ayay ka socotaa baaritaanka caafimaad lacag la’aan ah, iyadoo dadka ay safaf ugu jiraan.

Dadka ka faa’ideysanaya barnaamijkan adeega caafimaad ee lacag la’aanta ayaa waxaa ka mid ahaa dad da’ ah oo lixaadkooda aan u dhameystirneyn iyo dadweyne kale oo dan yar ah, kuwaasoo aan awoodin baaritaanada caafimaad ee Isbitaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay in la qabto wax xaflad ah oo dabaal deg u ah sanad-guuradii 1aad ee ka soo wareegatay doorashada Madaxweyne Farmaajo.



129 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines