Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

In ka Badan 20 Qof Oo ku Dhintay Duqaymo ay Dawlada Suuriya ka Fulisay Degaanka ay Maamulaan Mucaaridka.



Wed 07 February 2018.

Ugu yarraan 23 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay duqaymo cusub oo xaga cirka oo dowladda Suuriya ay ku qaaday deegaanada go'doonsan ee mucaaradku ka taliyaan.

Kooxaha wax badbaadiya iyo kooxaha korjoogayaasha ah ayaa sheegaya in weerarka diyaaradaha dagaalka ay arbacadii duqeymo ku burburiyeen deegaanoka tirsan barriga Ghouta

Waxaa weeraradani ku dhintay dad gaaraya 130 qof tan iyo markii ay dawladu bilaabay Isniintii la soo dhaafay

Qaramadda Midoobay ayaa xaaladan ku tilmaamtay mid aad u darran waxayna dalbanaysaa kaalmo in la sameeyo.

Dad gaaraya afar boqol oo kun oo qof ayaa ku xaniban bariga magaaladda Ghouta halkaasoo ay dowladdu go'doomisay ilaa sanadkii 2013-kii balse waxaa jira cuno la'aan iyo shidaalka dawada. lix boqol oo qof oo xanuunsana oo dhaawac ahna waxay u baahan yihiin in loo gargaaro

Talaadadii la soo dhaafay ayaa ahayd maalin si darran loo duqeeyey deeganadaasi sideetan qof ayaana la dilay oo 21 ka mid ah ay caruur yihiin

Sikastaba ha ahaatee magaaladda Beit Sawa kaliya waxaa lagu dilay 10 qof sided kalena waxay ku dhinteen magaaladda Hamouriya



63 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines