Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Xisbiyada Jarmalka Oo ku Heshiiyay Dhismaha Dawlad-wadaag Oo Mudo La Isku Mari La,aa.



Wed 07 February 2018.

Dawlada Jarmalka ayaa shaacisay inay wadahadaladii usocday Xisbiyada ay ugu dambayn ku heshiiyeen in la dhiso dowlad-wadaag ah.

Xisbiga Raysal wasaaraha Angela Merkel ee CDU iyo xisbiga kale ee SPD ayaa isku afgartay wasiiro la wadaagayo kaasoo ahaa mid si weyn la isugu hayay mudo dheerna la isku mari la,aa.

Tilaabadani ayaa dhamaynaysa ismariwaa afar bilood soo jiitamayay ka dib markii ay dhacday doorasho cidna aysan ku guullaysan, balse weli waxaa loo baahan yahay in heshiiskan ay ansaxiyaan xubnaha xisbiga SPD oo cod u qaadi doona heshiiskan.

Angela Merkel oo heshiiskan ka hadashay ayaa sheegtay inuu yahay mid wanaagsan oo dowlad degan abuuraya

Xisbiga SPD ayaa yeellanaya lix wasiir oo ay ka mid yihiin arrimaha dibada iyo maaliyada,hadii ay ogolaadaan heshiiskan xubnaha xisbiga SPD waxaa lagu dhawaaqi doonaa bisha Maarso labadeeda

Sidoo kale arrimaha hareeyey wadahadaladan mudada socday waxaa ka mid ah arimaha shaqaalaha iyo qaxootiga soogalootiga ah.



118 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines