Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweyne Farmaajo Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta U Fadhiya Muqdisho.



Wed 07 February 2018.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa aqalka Madaxtooyada Villa Somalia ku qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi.

Sida lagu sheegay Bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka, kulanka ayaa looga hadlay xiriirka laba geesoodka ee Soomaaliya iyo Imaaraadka u dhexeeya qaabkii lagu horumarin lahaa dana wadaagga labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horayn sallaan u sii mariyay Safiirka Imaaraadka, Madaxweynaha Imaaraatka Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan., Madaxweyne kuxigeen ahna Ra’iisul wasaaraha iyo Xaakimka Dubai Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Dhaxalsugaha Abu Dhabi iyo Taliye kuxigeenka sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Imaaraadka Sheikh Mohammed bin Zayed Al-Nahyan, isagoo u rajeeyay shacabka Imaaraadka horumar iyo barwaaqo.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Isutagga Imaaraadka Carabta taageeradooda joogtada ah ee dhinacyada badan leh ee ay u fidiyaan Soomaaliya, isagoo xaqiijiyay in la adkeeyo qoto dheerida xiriirka taariikheed ee kulmiya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Dhankiisa, Safiirka Imaaraatka ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo carabka ku adkeeyay in Imaaraatku sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan leh ee uu u fidiyo Soomaaliya.

Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa kulamo la yeelanayay Mas’uuliyiinta dowladda, waxaana ugu dambeeyay kulan uu la qaatay La Taliyaha Amniga Madaxweynaha Cabdisaciid Muuse Cali oo la rumeysan yahay inuu ahaa ninka ka shaqeeyay kulanka Safiirka iyo Madaxweynaha.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya waqti todobaadyadii u dambeeyay uu mad madow ah soo kala dhexgalay madaxtooyada Soomaaliya iyo Safaaradda Imaaraadka Carabta, kaddib markii ay soo baxeen dhacdooyin lagu hor-istaagay Diblomaasiyiinta Imaaraadka Carabta ee ku sugan Muqdisho, xilli ay ka dhoofayeen Muqdisho iyo arrin maalin ka hor ka dhacday Dekeda Muqdisho oo qalab Imaaraadka Carabta u soo degay lagu amray in la baaro, taasoo muran ka dhashay, waxaana markii dambe xaaladaas soo farageliyay Ra’iisul Wasaare Kheyre oo fasaxay qalabkii Imaaraadka kala soo dageen Dekeda Muqdisho.



114 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines