Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ciidamada Amaanka Oo Gacanta ku Dhigay Koox Hubaysan Oo Galabta Dil ka Gaystay Muqdisho.



Wed 07 February 2018.

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa galab dhacii maanta ku dilay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho askari ka tirsanaa ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka.

Dilkan ayaa ka dhacay agagaarka buundada Anzalooti, iyadoo askariga la dilay magaciisa lagu soo gaabiyey Juuni.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka dowlada oo goobta ka dhowaa ayaa la sheegay iney ceyrsadeen raggii dilka geystay, waxaana dhexmartay israsaaseyn khal khal ku abuurtay dadka degaanka.

Masuul ka tirsan Maamulka degmada Waaberi ayaa xaqiijiyey in ciidamada amaanka ay markii dambe qabteen saddex nin oo la sheegay iney ka dambeeyeen dilka askarigan, haatana ay ku jiraan xabsiga.

Askariga la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaan jiray ilaalada gaarka ah guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal), isagoo dhowaana ku biiray ciidanka dharcadka ah ee NISA.



72 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines