Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Goob fagaaro ah ku Gubay Dawooyin iyo Qalab Caafimaad Oo Dhacay.(Sawiro)



Wed 07 February 2018.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa goob fagaaro ku taalla duleedka degmada Kaaraan ku gubay dawooyin iyo qalab caafimaad oo waqtigoodu dhacay.

Goobta lagu gubayay Daawooyinka dhacay iyo Qalabka Caafimaad ayaa waxaa ku sugnaa Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Waaxda Caafimaadka gobolka Banaadir Dr. Cabdullaahi Xasan Maxamed (Nuune) iyo Afhayeenka Gobolka Cabdifitaax Cumar Xalane iyo Saraakiil ka socotay laamaha Amniga.

Dawooyinka iyo qalabka ayaa waxaa dalka horay u keentay Hay’ad laga leeyahay dalka Ingiriiska, waxaana baaritaano lagu sameeyay ka dib laga soo saaray kuwo dhacay iyo qalab aan wanaagsaneyn kuwaasoo Maanta la gubay sida uu sheegay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka gobolka Banaadir.

Dr. Nuune ayaa u sheegay Waaxda Fayadhowrka gobolka Banaadir ay Dekada u taagan yihiin inay Bulshada Soomaaliyeed ka badbaadiyaan dadka waxyaabaha qatarta ku ah dalka soo gelinaya.



132 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines