Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Maraykanka Oo si Kulul U Canbaareeyay Xidhiidhka soo Hagaagaya Ee Labada Kuuriya.



Wed 07 February 2018.

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa si kulul uga hadlay xiriirka soo hagaagaya ee labada Kuuriya, wuxuuna sheegay in aanan marnaba la aamini karin Kuuriyada Waqooyi.

Mike Pence ayaa sheegay in ciyaarihii wadajirka ahaa ee sanadkii 2006-kii ay u safteen labadan dal, ay Kuuriyada Waqooyi tijaabisay gantaal 8 bilood kadib ciyaarahaas, Waxuuna Kuuriyada Waqooyi ku tilmaamay dalka oogada adduunka ugu arxanka daran, uguna kaligii talissan.

Waxa uu intaas ku daray in Maraykanka ay wax kasta u furanyihiin in ay talaabo kaga qaadaan xukuumadda Pyongyang,Balse meesha kama uusan saarin in uu la kulmi doono saraakiisha ka socota Kuuriyada Waqooyi.

Madaxwayne kuxigeenka Mike Pence ayaa ka qeybgalaya furitaanka ciyaaraha oo sidoo kale ay ka qeybgalayso gabadha la dhalatay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Ka qeybgalka Kuuriyada Waqooyi ee ciyaarahan ayaa loo arkaa isu soo dhawaansho xiriirka labada dal oo muddo aad u xumaa, balse waxa ay u muuqataa in arrintaas aysan farxad galin haynin Maraykanka.

Balse dadka u dhuun duleela siyaasadda ayaa sheegaya in isu soo dhawaanshahan aysan waxbo ka badali doonin damaca hubka nuyuukleerka ee Waqooyiga.

Mike Pence waxa uu sheegay in ciyaaraha ay kala qeybgalayaan qoyska nin lagu magacaabo Otto Warmbier oo u dhashay Maraykanka, kaas oo dhintay waxyar uun kadib markii laga soo siidaayay xabsi ku yaala dalka Kuuriyada Waqooyi.



70 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines