Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Maraykanka Oo Dayax Gacmeedkii Ugu Weynaa Maanta Hawada Sare U Dirtay.(Sawiro)



Wed 07 February 2018.

Waxaa hawada sare loo diray Dayax gacmeed la sheegay in uu yahay kii ugu weynaa taariikhda inta la ogyahay, waxaana Dayax gacmeedkan laga ganay xarun lagu magacaabo Kennedy Space Center oo kutaala gobolka Florida ee dalka Mareykanka.

Dayax gacmeedkan waxaa diray nin bilyan neer ah oo lagu magacaabo Elon Musk,Ninkan ayaana muddo ka shaqaynayay hawshan iyo sidii uu ugu guuleesan lahaa in dayax gacmeedkan hawada loo diro.

Shirkad uu leeyahay maal qabeenkan oo lagu magacaabo Space X ayaa ku guuleesatay in Dayax gacmeedkan hawada sare loo diro iyada oon wax cilad ah ku imaan, waxaana diritaanka Dayax gacmeedkan lagu tilmaamay guul.

Dayax gacmeedkan hawada loo ganay oo lagu magacaabo Falcon Heavy ayaa la sheegay in uu ahaa qalabkii ugu cuslaa uguna weynaa ee ebed hawada loo diro, mana jirin Dayax gacmeed kan lamid ah oo horey hawada loogu diray.

Dhaqaalo aad u badan ayaa ku baxda sameynta iyo dirista Dayax gacmeedka, waxaana inta badan looga bartay in Dayax gacmeedka hawada u diraan hay’adda NASA iyo kuwa la mid ah oo dalalka kale laga leeyahay.

[caption id="attachment_18783" align="alignnone" width="630"] A SpaceX Falcon Heavy rocket lifts off from historic launch pad 39-A at the Kennedy Space Center in Cape Canaveral, Florida, U.S., February 6, 2018. REUTERS/Thom Baur[/caption]

[caption id="attachment_18787" align="alignnone" width="630"] A SpaceX Falcon Heavy rocket lifts off from historic launch pad 39-A at the Kennedy Space Center in Cape Canaveral, Florida, U.S., February 6, 2018. REUTERS/Thom Baur[/caption]



137 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines