Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Duqa Muqdisho Oo Martiqaad U Diray Duqa Caasimadda Jabuuti.



Wed 07 February 2018.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa casuumaad u fidiyey Duqa Caasimadda Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cusmaan, kadib kulan gaar ah oo xarunta Dawladda Hoose ee Xamar ku dhex maray Guddoomiye Yarisow iyo Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan.

 

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay iyadoo laga duulayo xiriirka soo jiraanka ah ee ka dhexeeya labada dalka ee walaalaha ah in dhowaan ay booqasho ku imaan doonto Muqdisho Duqa Caasimadda Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cusmaan, booqashadan ayaana sii xoojin doonta xiriirka iyo wada shaqeynta labada Caasimadood ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dawaldda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo mar kasta nala garab taagan hiil iyo hooba. Dalka Jabuuti kaalin mug leh ayuu ku leeyahay horumarka ballaaran ee ay higsanayaan ummadda Soomaaliyeed. Muqdisho waxaa dhowaan noogu imaan doonta Duqa Caasimadda Jabuuti oo booqashadeedu sii xoojin doonto xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga labada Caasimadood ka dhexeeya”. Ayuu yiri Guddoomiye Eng Yarisow.

Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan waxa uu guddoomiyaha uga mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey, isagoo tilmaamay in Muqdisho u tahay meel kamid ah dhulkiisa, isla markaana uu kala shaqeynayo maamulka gobolka Benaadir horumarinta Caasimadda.



129 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines