Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Walaashiis Oo Booqasho ku Tagaysa Kuuriyada Koonfureed.



Wed 07 February 2018.

Gabadha la dhalatay hoggaamiyaha dalka Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa lagu soo waramayaa in ay u safrayso dalka Kuuriyada Koonfureed si ay uga qeybgasho furitaanka ciyaaraha deyrta ee dalkaas ka furmaya.

Gabadhani oo saameynteeda leh ayaa lagu magacaabaa Kim Yo-jong islaratkasina ah gabadha ugu yar qoyska Kim Jong-il oo ah hoggaamiyihii hore ee Kuuriyada Waqooyi.

Arrintan waxaa loo fasirtay isu soo dhawaansho xiriirka labada dal ah, iyada oo ay jirto koox isku dhaf oo si wadajir ah uga qeybgalaysa ciyaaraha.

Balse dadka u dhuun duleela siyaasadda ayaa sheegaya in isu soo dhawaanshahan aysan waxbo ka badali doonin damaca hubka nuyuukleerka ee Waqooyiga.

Horey waxaa Koonfurta u gaaray wasiirka isboortiga Waqooyiga Kim Il-guk oo horkacayo 280 qof oo ciyaaraha ka qeybgalaya.

Waxaa la sheegaya in gabadhan ay fariin ka siddo walaalkeed oo ay u tahay qofka ugu dhow ee la taliya.



161 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines