Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dowladaha Holland iyo Turkiga Oo Xidhiidhkii Diblomasi isku jaray.



Tue 06 February 2018.

Dowladda Holland ayaa danjiraheeda kala baxday Magaalada Ankara ee Caasimadda Turkiga,waxaana sidoo kale dowladda Turkiga ku dhawaaqday in ay hakisay xiriirkii Holand.

Ra’isalwasaare ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag,ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay u baahan tahay in ay Holand raalli gelin ka bixiso gef dhinaca diblmaasiyadda ah oo ay sanadkii hore ka gashay iyada oo xiriirka labada dal uu xumaa tan iyo March 2017kii.

Sanadkii 2017kii Diyaarad sidday Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu,ayaa loo diiday in ay ka degto Holan iyada oo xilligaas ay socotay ololaha doorashada madaxweynaha Turkiga oo doonayay in uu muddo xileedka kordhisto.

Dowladda Holand oo diiddan muddo kororsiga Erdogan ayaa dadka Turkiga ah ee deggan Holand ugu baaqday in aysan u codeyn Erdogan ee ay ka codeeyaan,taas oo xumeysay xiriirka labada dal.



149 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines