Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Wasarada Boosaha Oo Qabanqaabineysa Shirweynaha Isgaarsiinta Somaliya iyo Jabuuti.



Tue 06 February 2018.

Wasiirka Boosaha, Isgaadhsiinta & Teknoolojiyada ee xukuumada fadaraalka Somaliya ayaa sheegay inay qabanqaabineyso shirweyne ay ka soo qeyb galayaan shirkadaha isgaarsiinta ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, kaas oo looga hadli doono sidii ay isaga kaashan lahaayeen mashruuca xarigga internetka ee Djibouti African Regional Express (DARE) oo ay fikraddiisa leedahay shirkadda Isgaarsiinta ee Jabuuti.

Wasiirka oo dalka dib ugu soo noqday kadib markii uu soo gabagabeeyay socdaal 2 maalmood qaatay oo u ku tagay dalka Jabuuti ayaa sheegay inay shirkan ka wada shaqeynayaan Wasaaradda Isgaarsiinta ee dalka Jabuuti, ujeeddaduna tahay sidii looga arrinsan lahaa mashruuca DARE oo ah xarin internet oo isku xiraya Jabuuti iyo Mombasa, isagoo sii maraya Berbera, Boosaaso iyo Muqdisho.

“Waxaan jecelahay inaan u mahadceliyo wasiirka isgaarsiinta Jabuuti oo si wanaagsan noo soo dhoweeyay. Waxaana rajeyneynaa in marka ay Muqdisho noogu yimaadaan dhammaadka bisha dambe in aan go’aan ka wada gaari doonno arrimaha aan isku soo afgaranay,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ansixintii sharciga isgaarsiinta iyo tirada xargaha internetka oo ku yar dalka, ay fursado iskaashi oo heer gobol ah u furayaan shirkadaha isgaarsiinta Soomaalida.

Wasiir Eng Cabdi Cashuur Xasan wuxuu sidoo kale xusay in Boostada Soomaaliya ay billowday in warqadaha loo soo marsiiyo dalka Jabuuti, iyadoo labada bilood ee soo socotana la qorsheynayo in warqadaha baxaya ay sii maraan dalka Jabuuti.

Safarka wasiirka ayaa imanaya qiyaastii 6 bilood ka dib markii uu dhiggiisa Jabuuti, Mudane Abdi Youssouf Sougueh, la saxiixday heshiis ay labada wasaaradood isaga kaashanayaan arrimaha isgaarsiinta iyo boostada.

 



119 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines