Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Hogaamiyaha Mucaaradka Zimbabwe Oo Laga Dayriyay Xaaladiisa Caafimaad.



Tue 06 February 2018.

Hogaamiyaha mucaaradka ugu wayn Zimbabwe Morgan Tsvangirai ayaa muddooyiinkii ugu dambeeyay laga dayrinayaa Xaaladdiisa caafimaad, Isagoo cudurka kansarka u jiifa isbataal ku yaalla dalka Koonfur Afrika laga dawaynayaa cudurka kansarka.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ka soo xigtay qoyskiisa in rai'sul wasaarihii hore ee Zimbabwe oo 65 jir ah uu aad u xanuunsanayo.

Ila wareedyada laga soo xigtay qoyskiisa ayaa sheegaya in Mr Tsvangirai uu miisaankiisa aad hoos ugu dhacay islamarkana uu daal badan dareemayo.

Intii uu ku jiray halgankiisii siyaasada ee uu uga soo horjeeday madaxwaynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe, dhowr jeer ayaa xabsiga la dhigay.

Mr Tsvangirai ayaa hogaamiya Xisbiga ugu wayne ee mucaaradka Zimbabwe's Movement for Democratic Change (MDC ayaa tan iyo bishii June ee sanadkii aanu soo dhaafnay waxa uu dhowr jeer galay isbataalka.

Xaaladda caafimaad ee Mr Tsvangirai ayaa ka sii dartay Isniintii, waxaa sida ay sheegeen ila wareedyo laga helay qoyskiisa.



Views : 23



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines