Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Garsoore Abdulqawi Ahmed Yusuf Oo Maanta loo Doortey Madaxweynaha Maxkamada Caalamiga Ee Hague.



Tue 06 February 2018.

Maxakamada Caalamiga ee Cadaalada ee afka Ingriiska loo yaqaan International Court of Justice oo ku taala Magaalada Hague ee Dalka Netherlands ayaa manta waxay yeelatey Madaxweyne cusub.

Maxakamadaan oo ay hoos timaado Qaraamada Midoobey ayaa saddexdii sanno hal mar ayey waxay doorata Madaxweyne. Madaxweynahaas oo laga soo dhex doorta Garsoorayaasha dhexdooda, waxaana loo doorta shakhsiga hela aqalabiyada codadka Garsoorayaasha Maxakamadu, doorashaduna waa qarsoodi (secret ballot).

Muqdishu. Sidoo kale wuxu Doctor International Law ka qaatey Jaamacada Geneva ee Switzerland.

Judge Abdulqawi wuxuu Guest Professor ka yahay Jaamacado ku yaal Switzerland, Italy, Greece iyo Fransiska.

Safiirka Soomaliya ee Wadamada Benelux iyo Midowga Europe Dr. Ali Said Faqi ayaa ku sheegey doorasha Judge Abdulqawi inay tahay magac iyo sharaf weyn u soo hooyatey Ummada Soomaliyeed. Kalsoonida buuxda ee Garsoorayaasha Maxkamada ay siiyeen waxay muujineysa kartida aqoontiisa iyo kalsoonida ay ku qabaan saaxiibkooda ayuu yiri safiirka.

Dr. Ali Said Faqi isagoo ku hadlaya magaca Madaxweynaha iyo Xukuumada Soomaliyeed wuxuu halkaan hambalyo uga diraya Judge Abdulqawi Yusuf, Xaaskiisa iyo dhamaan Caruurtiisa, waxaan leeyahay ilaah ha kula garab galo Mas’uuliyada lagu doortey.

Sidoo kale Hiiraan Online iyo dhamaan akhristayaasheeda waxay halkaan hambalyo ugu dirayaan Garsoore Abdulqawi Yusuf. Waxaanu leenahay Guul.



Views : 38



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines