Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Saraakiil ka Tirsan UN-ka Oo Booqday Xarumo ku yaalla Dhuusamareeb.(Sawirro)



Tue 06 February 2018.

Wafdi ka socday Xafiiska UN-ka ee Soomaaliya uuna horkacayey Mr. Tubato oo ka tirsan saraakiisha QM ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Wafdigan ayaa kormeeray ilaa shan Xarun oo ka mid ah xarumihii ciidamada dowladii dhexe ee Soomaaliya ku lahaayeen Magaalada Dhuusamaareeb, waxaana ujeedada kormeerkoodu ahaa iney sahmiyaan halkii laga dhisi lahaa Xarunta UN-ka Magaalada Dhuusamareeb.

Wefdigan ayaa waxay la kulmeen Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan, iyagoo kala hadley sidii uu Maamulku ugu fududeyn lahaa dhisida Xarunta UN-ka ee Dhuusamareeb.

Madaxa Xukuumada Galmudug ayaa saraakiisha UN-ka u sheegay in maamulka Galmudug uu uga baahan yahay Kaalmo muuqata oo la siiyo si loo dardargaliyo hubinta in adeegyadii loo baahnaa la gaarsiiyey dadweynaha.

Shiikh Maxamed Shaakir oo hadalkiisa sii wata ayaa uga mahad celiyay Hay’addaha UN-ka sida dhaqsida leh ee ay u fulinayaan balan qaadkii uu dhowaan sameeyey Ergayga Qaramada Midoobey ee ahaa furitaanka xafiiska Qaramda Midoobey ee Galmudug.



Views : 22



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines