Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dhalinyaro kasoo Goosatay Al Shabaab Oo Lagu soo Bandhigay Magaalada Beledweyne(Sawirro)



Tue 06 February 2018.

Gudoomiyaha degmada Ceelbuur ee Gobalka Galguduud, Nuur Xasan Guutaale, oo ku sugan magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in ay soo badbaadiyaan Sedax dhalinyaro ah oo kasoo baxdasay Xarun ay Shabaabku Caruurta ku tababaraan oo ku taalla Ceebuur.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in wiilasha sedaxda ah ay lasoo xariireen markii ay soo baxsadeen kadibna ay Ciidan u direen, kuwaas oo ugu danbeyn ku guuleestay in ay si nabad ah ku keenaan Baledweyne

Nuur Xasan Guutaale ayaa shaaciyay in sagaal xarumood oo Dagaalyahanada Al Shabaab ku tababaraan Caruurta ay ku yaallaan degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri waxaa gacanta ku haya dagaalyahanada Al Shabaab, maamulada degmooyinkaasi ayaana mudo sanado ah banaan joog ka ah deegaanada ay ku magacaaban yihiin.



151 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines