Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Laba ka Mid ah Telefishinada Kenya Oo Hawada Dib Ugu soo Noqday.



Mon 05 February 2018.

Laba ka mid ah telefishinada si gaarka ah loo leeyahay ee dalka Kenya ayaa dib u bilaabay howlahoodii shaqo kadib markii ay dawladu hawada ka saartay mudo toddobaad ka hor ah.

Telefishinada hawada ku soo nodayay maanta galinkii dambe ayaa kala ah NTV iyo KTN, balse waxaa wali hawada ka maqan TV-ga kale ee Citizen.

Saddexdan telefishin ayaa shhaqada looga joojiyay ka dib markii ay isku dayeen in ay baahiyaan xafladdii uu madaxwaynanimada isugu dhaarinayay siyaasiga mucaaradka Raila Odinga,taasoo ay dowladda Kenya ku tilmaamtay khiyaano qaran, waxaayna xukuumadu iska dhagatirtay amar maxkamadeed oo ahaa in dib loo furo.

Booliiska dalka Kenyaa ayaa suntan dadka ka ilmaysiisa ku kala dareeriyay dibadbaxayaal maanta galinkii denbe dowladda ugu baaqayay in telefishinadan ay dib u furto.

Sidoo kale Ururada warbaahinta ee dalka Kenya ayaa cambaareeyay tillaabada dowladda ay ku xirtay telefishinadan.



76 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines