Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

War Deg-deg:-Somaliland Oo Wax ka Badal ku Samaysay Canshuurihii Laga Qaadi Jiray Dadka ka Gudba Xadka Lowyacado.



Mon 05 February 2018.

Wasaarada Maaliyada Somaliland ayaa wax ka badal ku samaysay canshuurtii laga qaadi jiray dadka muwaadiniinta ah iyo kuwa ajanabiga ah ee ka gudbaya xadka Lowyacado, waxana sida ilo wareedo xogogaal ahi ay u xaqiijiyeen shabakada wararka ee Heemaalnews soo baxday digreeto canshuutaas wax ka badal ku samaynaysa,iyadoo qofka ka gudbaya xad ee wata baasaboorka Jabuuti laga qaadi doono 15 Doolar,halka qofka wata baasaboorka somalilandna laga qaadi doono 4 Doolar oo kaliya Sidoo kalena qofka wata Baasaboor Ajanabi ah iyo dadka aan wadan wax sharci ahna lagu waajibiyay inay bixiyaan 31 Doolar.

Wax ka badalkan canshuureed ayaa waxa soo dhaweeyay Xisbiga Mucaaridka ee Wadani, waxana Gudoomiyaha Xisbigaasi ee Gobolka Salal Mud Farxaan Maxamed Yuusuf oo khadka telfanka kula soo xidhiidhay shabaka uu arintan ku tilmaamay guul usoo hoyatay shacabka.

"Waan soo dhawaynaynaa ka Xisbi ahaan isbadalka xukuumada ku samaysay canshuurihii laga qaadi jiray dadka ka gudbaya xuduuda Lowyacado,waana ku hanbalyaynaynaa hawlwadeenada wasarada maaliyada, go,aanka canshuur dhimista ahina waa mid aan ka xisbi ahaan aaminsanahay inuu culays badan ka dul qaadi doono dadka rayidka ah oo markii horaba canshuurtani ku ahayd dhabar jabka,waxana aan ku tilmaami karaa go,aankaas guul u soo hoyatay shacabka"

Marka dib loo milicsado kastamka Lowyacado ayaa dadka ka gudbaya xadka ka qaadi jiray 31 $ Doolar oo canshuur madaxaa ha ku furto ahayd, oo cabasho badan laga muujiyay, waxaana xusid mudan in Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Eng Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici uu waqtigii ololahii doorashada ee 2017kii kaga ololeeyay Lowyacado inuu hoos u digi doono canshuurtaas.

Sikastaba ha ahaatee Gudoomiye Farxaan ayaa walaac ka muujiyay 31ka Doolar ee Canshuuta ah ee wali waajibka ku ah dadka aan sharciga wadan, isga oo markaasi tilmaamay inay wali jiraan dad badan oo muwaadiniin reer Somaliland ah oo aan haysan baasabooro iyo waraaqo kale oo dhalasho ama aqoonsi oo sharci ah oo ay Somaliland leedahay.

Maxamed Bili Bili



143 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines