Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Daawo Shan Qof Oo Xanuunka Jadeecadda Ugu Geeriyooday Gobolka Saraar.



Mon 05 February 2018.

Isu-duwaha wasaarada caafimaadka Somaliland ee gobolka saraar ayaa kormeer ku tagay deegaanka yaganta oo ka tirsan gobolka saraar kaas oo uu ka dilaacay xanuunka jadeecadda.

Xanuunka jadeecadda ee ka dilaacay tuuladda yaganta ayaa ilaa hadda inta la xaqiijiyay waxa u geeriyooday ku dhawaad shan qof sida ay isu-duwaha wasaarada caafimaadka u xaqiijiyeen odayaasha deegaanku.

Bulshadda ku dhaqan deegaanka ayaa sheegay in xanuunkani uu ku hayo faro baas madaama oo aanay lahayn goob caafimaad oo lagag daweeyo xanuunada bulshadda ku dhaqan deegaanka yaganta.

Oday axmed oo ka mid ah bulshadda ku dhaqan deegaankani ayaa ka waramay ilaa hadda inta u dhimatay xanuunka jadeecadda iyo oof wareenka waxaana uu yidhi.

“Xanuunka jadeecadda iyo Oof wareenka ilaa hadda waxa u dhintay dad tiradoodu gaadhayso ilaa shan qof,imikana waxa nasoo gaadhay kooxdan uu hogaaminayo isu-duwaha wasaarada caafimaad ee gobolka saraar kaas oo u soo gurmaday bulshadii halkan xanuunadda la jiiftay ee ay haleeshay kaneecadu iyo Oof Wareenku.

Dhinaca kale isu-duwaha wasaarada caafimaadka ee gobolka saraar muuse Abokor suudi ayaa ka waramay kiisaska xanuun ee ka jira deegaanada yaganta ee hoos taga degmadda ceelal.

“halkan waxaanu nimid anaga oo ka jawaabayna xanuuno dhawr ah oo ka jiray deegaanada Ceelal hadda dhamaan waanu suulinay xanuunadii halkan ka jiray bulshadii xanuunku hayayna dhamaanu waanu dawaynay saaka ilaa maantana waanu ku jiraynaa magaaladda si aanu ugu adeegno bulshadda la ildaran xanuunka jadeecadda.



Views : 20



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines