Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Maxkamada Dalka Itoobiya Oo Xakun Xabsi ah ku Riday Siyaasiyiin ka Tirsan Mucaaridka.



Mon 05 February 2018.

Maxkamada dalka Itoobiya ayaa xakun xabsi 6 bilood ah ku riday 4 ka mid siyaasiyiinta mucaaradka dalkaasi,kadib markii lagu eedeeyay amar diido maxkamadeed.

Siyaasiyiintani ayaa diiday in ay maxkamda hor istaagaan amaba ay la hadlaan garsoorayaasha dacwadooda qaadayay,kuwaas oo uu ka mid ahaa Bekele Gerba oo ka tirsan xisbiga Oromo Federalist Congress.

Bishii aanu soo dhaafnay ayaa waxaa siyaasiyiintani lagu riday xukun kan la mid ah ka dib markii maxkamadda dhexdeeda ay ku qaadeen hees cabasho ah.

Tobonnaan kun oo qof ayaa la xiray dalkaasi Itoobiya iyaga oo aan wax maxkamad ah la soo taagin,iyaga oo lagu eedeeyay in ay ka qayb qaateen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo.

Dhanka kale dawlada itoobiya ayaa ku dhaqaaqday Tillaabo la yaab lahayd taasoo bishii hore ay dowladdu ay sheegtay in siyaasiyiinta mucaaradka ee xiran ay cafis u fidin doonto.

Sidoo kale talaabadaasi oo kale ayaa waxa ku talaabsaday maamulka gobolka Oramiya ay sheegeen in ay xabsiga ka siidayn doonaan in ka badan 2,000 oo maxbuus.

Muddo labo sano ayaa waxaa Itoobiya ka socday mudaaharaadyo ay samaynayaan shacabka oo ka cabanayay arrimo badan, iyaga oo codsanayay isbadalo .

Sikastaba ha ahatee dawlada Itoobiya waligeed ka faani jirtay inay jiraan maxaabiis u xirxiran arrimo siyaasadeed.



70 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines