Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Gobolka ay ku Xoogan-yihiin Mucaaridka Suuriya Oo Lagu Weeraray Bab Xanbaarsan KIimikada Kalooriin.



Mon 05 February 2018.

Magaalada ay ku xoogan yihiin mucaaridka Suuriya ayaa lagu weeraray bam la aaminsan yahay in ay ku jirto kimikada nooca Kalooriin ayaa waxaa ku waxyeeloobay dad rayid ah waxaana lagu daweeynayaa magalada Saraqeb ee gobolka Idlib sida ay shaqaalaha cafimaadka sheegeen.

Waaxda difaaca rayidka ee Suuriya ayaa sheegtay in saddex ka mid ah shaqaalahooda gurmadka ay ka mid ahaayeen dadka ku waxyeeloobay weerarkan.

Mucaaradka Suuriya ayaa waxay sheegeen in bamkani ay soo riday diyaarad ay leedahay dowladda Suuriya.

Dhakhtar u shaqeeya ururka midnimada daryeelka caafimaadka iyo gargaarka ee loo soo gaabiyo (UOSSM), ayaa sheegay in magaalada Saraqeb lagu weeraray laba barmiil oo Chlorine gas ay soo riday diyaarad ah nooca helikobtarka.

Dhaqtarka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in dadka isbataalada la keenay ay ka soo shiiraysay sunta Kalooriinka islamarkana ay neefta dhibaysay.

Sikastaba ha ahaatee weerarkani ayaa ku soo beegmay maalin uun ka dib markii mucaaradka ay soo rideen diyaarad dagaal oo ay Ruushka lahaayeen halkaasi oo lagu dilay duuliyiihii waday.

Sidoo kale baraha bulshada la soo dhigay muuqaal muujinaya dhowr nin oo biyo lagu rushaynayo kuwaasi oo la daalaa dhacaya in ay neefsadaan.



113 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines