Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dowlada Talyaaniga Oo Gaadiid Dagaal ku Wareejisay Wasaarada Amniga Somaliya.(Sawiro)



Mon 05 February 2018.

Deeq ka kooban gaadiid gaashaaman ayaa maanta dowlada Talyaanigu ku wareejisay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Booliska oo uu guddoomay Wasiiraka Amniga Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow.

Qoraal lagu daabacay Barta Twitterka Safaaradda Talyaaniga ayaa lagu sheegay in  Talyaaniga ay gaadiid gaashaaman Soomaaliya u soo marsiisay Ururka Midowga Africa

Gaadiidka Gaashaaman ee Talyaaniga ku wareejiyay Wasaaradda Amniga gudaha ayaa looga gol leeyahay iney dowr muhiim ah ka ciyaaraan dagaalka iyo halganka adag ee dowladdu kula jirto Al-Shabaab sida ku xusan qoraalka.

Wasiirka amniga gudaha Somalia Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo lagu wareejiyey gaadiidkan ayaa dowlada Talyaaniga uga mahad celiyey deeqdan wax ku oolka ah oo uu xusay iney wax weyn ka tareyso sugida amniga dalka.



132 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines