Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Saraakiil Sar-sare Oo Hor-socday Dagaalyahanada Al-shabaab Oo Gaadhay Gobolka Gedo.

Mon 05 February 2018.

Wararka ka imanaya gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay halkaa gaareen saraakiil sar sare iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Cismaan Nuur Xaaji guddoomiye kuxigeenka dhinaca Amniga gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalyahano fara badan oo ka tirsan Shabaab oo ka yimid Jubbooyinka ay soo galeen deegaano ka tirsan Gedo.

“Dagaalyahano Shabaab ah ayaa meelo badan oo Gobolka Gedo ka mid ah soo galay, oo ay wehliyaan madaxdooda, waxaa deegaanada soo galeen ka mid ah Ceel Cadde, Kabis, Caracas, Golweyn iyo meelo kale oo ku dhow Garbahaarey”ayuu yiri guddoomiye kuxigeenka Gedo oo wareysi siiyay Idaacada Kulmiye

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa intaa ku daray in ay ka war heleen in saraakiisha soo gaaray deegaano ka mid ah Gedo uu ku jiro Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye.

Cculeyska ay Al-Shabaab soo saareen Gobolka ayuu sheegay in ay la wadaageen Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada taageera.

105 Views

Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines