Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Wararkii Ugu Danbeyay: Xiisada Tukaraq Oo Faraha kasii Baxaysa & Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan Oo Laga Dareemayo Degankasi.



Sun 04 February 2018.

Wararka naga soo gaadhay Gobolka Sool ayaa sheegaya inuu xoogeystay dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira gobolka, kaddib markii Ciidamo ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland ay gaareen deegaanka tukaraq ee ka tirsan Sool.

Dadka deegaanka Holhol ee gobolka Sool ayaa sheegay in lagu guuldaraystay Isku day la doonayay in lagu qaboojiyo xiisada labada dhinac u dhaxeysa, iyadoo saacadihii la soo dhaafay ciidamo dheeraad ah ay oo labada dhinac ka kala socday ay geeyeen aagga la isku horfadhiyo.

Ciidamo ka tirsan Puntland oo gaadiidka dagaal ku hubeysan ayaa gaaray deegaanka Holhol, halkaasoo oo la sheegay inay kulamo kula qaateen dadka deegaanka.

Sidoo kale Ciidamo ka tirsan Somaliland ayaa xoojiyay difaacyada iyo dhufeysyada ay ka sameysteen meel ka baxsan deegaanka Tukaraq, waxaana deegaanka ka jira xaalad dagaal.

Dadkii ku noolaa deegaanada ay ka jiraan xiisadaha dagaal iyo abaabulka ciidan ayaa la soo sheegayaa inay ka barakaceen, iyagoo ka cabsi qaba in lagu dul dagaalamo.



139 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines