Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Fasaxay Qalab Safaaradda Imaaraadka Looga Xanibay Dekeda Muqdisho.



Sun 04 February 2018.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta farageliyay maamulka Dekeda Muqdisho, oo dhowaan xanibay Qalab Safaaradda Imaaraadka Carabta uga soo degay dekada Muqdisho.

Qalabkan oo Konteenar ku jiray ayaa Maamulka Dekeda ku amreen in la baaro, balse waxaa kasoo horjeestay amarkaasi Saraakiil ka tirsan Safaaradda Imaaraadka Carabta ay ku doodeen in aan la baari karin, sida Diblomaasiyadda ay qabto, waxaana kaddib ay maamulka Dekeda u gudbiyeen warqad ku qorneyd alaabta ku jirtay Konteenarka.

Amarka lagu xanibay Qalabka u soo degay Safaaradda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inuu ka yimid Madaxtooyada Soomaaliya,kaasoo muran badan dhaliyay,waxaana galabta gaadhay dekada Muqdisho Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo wehliyay Wasiirka Amniga Ducaale waxayna  kulan la qaatay Maamulka Dekeda Muqdisho iyo Maamulka Furdada, iyadoo uu markii dambe Ra’iisul Wasaaraha amar ku bixiyay in la fasaxo qalabkan, isla markaana la baari karin.

Sidoo kale Imaaraadka Carabta oo safaarad ku leh Muqdisho ayaa alaabo uga soo dega Dekeda Muqdisho, waxaana horay u soo degay qalab Milateri iyo baabuurta aan xabadaha karin oo ay ugu deeqeen dowladda Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada.



77 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines