Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Shacab Careysan Guryo Jid Dhaxdiisa laga dhisay Oo ku Bur-buriyay Muqdisho.(Sawirro)



Sun 04 February 2018.

Degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir waxaa kusoo badanaya guryaha sida sharci darada ah loogu dhisanayo jidka dhaxdiisa, waxaana arintaasi walaac xoogan ka muujiyay shacabka Degan Degmadaasi.

Shacabka Dharkeenley oo u adkeysan waayay dhibaatada ay ku qabaan dadka jidka dhaxdiisa guryaha ka dhisanaya ayaa qaaday tilaabo ku dayasho mudan, waxa ayna bur buriyeen dhulkana la simeen labo guri oo wado dhaxdeeda laga dhisay.

Labo Guri oo jiingad ah ayaa shalay laga dhisay Wado kutaala inta u Dhaxeysa xaafadaha Suuq Liif iyo Dabaqeynka, waxaana guryahaaasi dhulka shacri darada ah laga dhisay ka carooday dadka degan xaafada kuwaa oo saakay bilaabay in ay bur buriyaan .

Dadkii guryahan bur buriyay ayaa qaarkood horey usii qaatay jiingadihii iyo alwaaxyadii guryahaasi laga dhisay, waxaana tilaabadan soo dhaweeyay dadka dagan xaafada gurigan laga dhisay.

Maamulka Degmada Dharkeenley oo marar badan loo geeyay cabashada guryaha jidadka dhaxdooda laga dhisto ayaan waxbo ka qaban, waana mida keentay in maanta shacabka ku dhiiradaan in gacamhaooda ku bur buriyaan guryaha sharci darada ah.



125 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines