Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Meydadka Tahriibayal Badan Oo Laga Helay Xeebaha ku Dhaw Dalka Maroko.



Sun 04 February 2018.

In ka badan 20 qof oo muhaajiriin ah ayaa maydadkooda laga soo saaray badda xeebaha Melilla oo ah dhul yar ee ku yaalla Spain balse ku dhaw dalka dariska la ah Moroko.

Kooxaha samtabixinta ee waddanka Moroko ee soo saaray meydadka tariibayaasha ayaa sheegay in shaqaalaha doonta siday rakaabka ay ku daateen badda.

Dadka dhintay ayaa la rumeysan yahay inay ahaayeen muhaajiriin kasoo jeeda dalalka ku yaalla saxaraha Afrika.

Waxaa loo maleynayaa dadkaan inay doonayeen inay gaaraan dalalka Yurub iyaga oo doonayay inay ku xirtaan xeebta Melilla, inkasta oo digniino ah inay dhicikaraan dabeylo xooggan ay ku wargaliyeen maamulka gobolka.

Melila iyo deegaanka kale ee Ceuta ayaa ah dhulka keliya ee xadka la leh Afrika oo ku yaalla Spain, halkaasi oo muhaajiriintu ay uga gubdaan Yurub.

Wargeys kasoo baxa dalka Spain ayaa qoray in meydadka muhaajiriintaan laga helay iyaga oo dul sabeynaya xeebta Melilla.

Tirada rasmiga ah ee meydadka ayaanan wali si dhab ah loo xaqiijin.

Kooxaha samatabixinta ee dalka Spain ayaa iyaguna dib u bilaabay howlaha lagu baadigoobayo meydadka dheeraad ah subaxnimadii Axada.

Ilaa iyo sanadkaan 2018, dalka Spain waxa uu ahaa halka ugu muhiimsan ee ay kasoo galaaan qaxootiga dhaqaala doonka ah ee soo gaaraya Yurub.

Sikasta ha ahaatee Tirada qaxootiga ee meydadkooda lasoo helay toddobaadkaan markii laga soo tago, muhaajiriin kale oo gaaraya 243 ayaa dhintay ama lawaayay sanadkaan kaddib markii ay isku dayeen inay uga gudbaan badda Mediterranean-ka dalalka Yurub.



141 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines