Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Khasaaro ka Dhashay Shil Tareen Oo Gordhawayd ka Dhacay Gobolka South Carolina Ee Dalka Mareykanka.



Sun 04 February 2018.

Shil Tareen ayaa goor dhawayd ka dhacay gobolka South Carolina ee dalka Mareykanka kaasoo ay saarnaayeen 147 qof ayaa waxa ay isku dhaceen tareen kale oo nooca allaabaha qaada ah.

Shilka tareen ayaa wararka horudhaca ah waxa ay sheegayaan inay ku dhinteen ugu yaraan labbo qof In ka badan 50 qof way ku dhaawacmaysida siay sheegeen booliska gobolkaasi.

Tareenka Amtak ayaa la sheegay inuu ka howlgalo inta u dhaxeyso magaalada New York iyo Miami.

Shilkaan tareen ayaan imaanaya kaddib afar maalmood, markii nin ka xeynayay gaari nooca xamuulka ah la dilay xili gaarigiisa ay isku dhaceen tareen kale oo siday xildhibaano kasoo jeeda gobolka Virginia.

Waaxda deegaanka ee gobolkan ayaa xaqiijisay dadka ku dhintay shilkaan, kaasi oo ka dhacay arroornimadii Axadii magaalada Cayce, ee nawaaxiga caasimadda Columbia.



Views : 26



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Dawlada Somaliya Oo Amartay In Caawa la Bilaabo Howl gallo Lagu Xaqiijinayo Amniga Muqdisho.