Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ciidamada Jubbaland Oo loo Tababarayo Isticmaalka Hubka Culus.(Sawirada)



Sun 04 February 2018.

Ciidamo katirsan maamulka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo loogu soo xiray tababar 15-maalin socday oo lagu barayay si loo rido hubka culus sida qoriga dhashiikaha iyo Hoobiyaasha .

Tababarkan ciidamada Jubbalabd waxaa siinayay Saraakiil Itoobiyaan ah oo katirsan ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo, waxaana ciidamada la barayay habka loo rido hubka culus xiliyada dagaalka.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya qaybta 43-aad Cismaan Axmed Aadan, ayaa uga mahad celiyay Saraakiisha Itoobiyaanka ah ee tababarka siinayay Ciidamada maamulka Jubbaland.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa tababar siiya ciidamada Jubbaland , waxaana maamulka Jubbaland loo tababaray ciidamo badan oo loo diyaarinayo in ay dagaal la galaan Al Shabaab.



74 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines