Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Al-shabaab Oo Weeraray Saldhig AMISOM ay ku Leeyihiin Shabeellaha Hoose.



Sun 04 February 2018.

Dagaalyahano ka tirsan Al- Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay weerar dhawr jiho ah ku qaadeen Saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin degaanka NO.60 ee Gobolka Shabellaha hoose.

Weerarka oo ahaa mid abaabulan ayaa Shabaab waxa ay laba jiho rasaasta uga bilaabeen ciidamada AMISOM ee Saldhigaasi degan, waxaana intaasi kadib isqabsaday dhawaqa rasaasta kala duwan oo dhinacyada ay iswaydaarsanayeen.

Ciidamada AMISOM ee saldhiga ku leh degaanka NO.60 ayaa iska caabiyay weerarka labada jiho ahaa ee Shabaab ay ku soo qaadeen Saldhigooda, waxaana ay ridayeen qoryo culus oo ay isaga caabinayeen weerarkaasi.

Lama oga khasaaraha labada dhinac ka soo kala gaaray, laakiin wararka waxa ay sheegayaan inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo weerarkaasi ka dhashay.

Dhinaca kale saaka aroortii ayaa Al Shabaab waxa ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga ciidamada AMISOM ee deegaanka Danow Gobolka Shabellaha hoose.

Ciidamada AMISOM oo saaka la xaadirinaayay askarta shaqada ka bedelaysay kuwii xalay soo jeeday ayeey Shabaab madaafiic ku weerareen, lamana oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.



67 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines