Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Turkiga Oo Qirtay in Askar Badan Looga Dilay Dagaal ay Maanta ku Qaadeen Jabhada Kurdiyiint Suuriya.



Sat 03 February 2018.

Meleteriga Dowladda Turkiga ayaa sheegay in sideed askari looga dilay dalka Suuriya gaar ahaan waqooyiga dalkaasi oo dagaalo qaraar uu ka socdaan.

Askartan ayaa lagu dilay dagaalka sabtidii dhaxmaray ciidanka Turkiga iyo Jabhadda Kurdishka ee ay dagaalka kula jiraan, kaas oo ka socda waqooyiga dalka Suuriya.

Iskahor imaatinkan ayaa lagu sheegay inuu yahay kii ugu adkaa ee Turkiga uu kala kulmo Suuriya tan iyo intii uu aagan dagaalka ka bilaabay.

Isugeyn ciidanka Turkiga kaga dhintay dagaalka Waqooyiga Suuriya ka socda waxaa lagu sheegay 15 askari, sidoo kale waxa dagaalkan qeyb weyn ka qaadanaya diyaaradaha dagaalka ee ciidanka Turkiga oo la sheegay inay duqeeyeen fariisimo ay jabhada kurdiyiinta ay leeyihiin.

Turkiga ayaa dagaalka ku dhawaaqay bishii la soo dhaafay isagoo gudaha waqooyiga suuriya u diray kumanaan askari oo la dagaalama jabhada YPG.



72 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines