Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Falaagada Suuriya Oo Dhulka soo Dhigay Diyaarad Dagaal Oo Uu Leeyahay Ruushka.



Sat 03 February 2018.

Diyaarad nooca dagaalka ah oo loo yaqaano Sukhoi25 oo uu Ruushku leeyahay ayaa waxaa lagu soo riday duleedka magaalada Idlib ee waqooyiga Suuriya halkaas oo ay maamulaan fallaagada.

Duuliyaha diyaaraddaasi ayaa la sheegay inuu ka booday ka hor inta aanay dhicin waxaana gacanta ku dhigay kooxda falaagada Idlib, Sida ay xaqiijiyeen hay'adda la socota xuquuqda aadanaha ee Suuriya.

Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya in diyaaradda uu gantaal ku dhacay, halka muuqaal kale uu muujinayo haraaga diyaaradda oo dhulka ku gubanaya, garabkana ay ku leedahay xiddigta casaanka ah.

Ruushka ayaa waxa uu ka garab dagaalamayay ciidammada Suuriya ee ay xulafada yihiin iyagoo beegsanayay deegaanada ay fallaagadu gacanta ku hayso,mana kala cada halka uu ku dambeeyo duuliyaha diyaaradda, iyo inuu u gacan galay kooxda falaagada ee gantaalka la heshay diyaaradda.

Sikastaba ha ahaatee Ururrada mayalka adage e fallaagada ee uu ka midka yahay ururka Xayaat Taxriir al-Shaam ayaa ku xooggan gobolkaasi waqooyi galbeed ee Suuriya.



97 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines