Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ruushka Oo ka Digay In la Casriyeeyo Hubka Nukliyeerka Maraykanka.



Sat 03 February 2018.

Xukuumadda Ruushka ayaa ka digtay siyaasadda nukliyeerka ee uu madaxwayne Trump ku dhawaaqay inuu dhawaan casriyaynayo taas oo ay ku tilmaantay inay tahay mid ka dhan ah Ruushka isku dhacna keeni karta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in Mareykanka uu isku dayayo inuu Ruushka ku eedeeyo xiisadahan sii kordhaya, halka Xukumada Moscow-se ay qaadi doonto tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u xaqiijiso ammaankeeda.

Sidoo kale waxa ay wasaaraddu sheegtay inay sii wadi doonto in xal wadaag ah loo helo sii joogtaynta deganaanshaha xaaladda nukiliyeerka dunida.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay doonayso inay casriyeyso hubkeeda nukliyeerka hub kale oo cusubna ay sameyso taas oo ay uga jawaabayso qaabka uu Ruushka ku ballaarinayo awooddiisa milateri, iyo weliba cabsida sii kordheysa ee nukliyeerka ee uu waddankaasi ku hayo wadammada ay Mareykanku xulafada yihiin.



107 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines