Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Kasaaro ka Dhashay Nin Hubaysan Oo Weerar ka Gaystay Magalada Macerata Ee Dalka Italy.



Sat 03 February 2018.

Nin hubaysan oo gaari watay ayaa rasaas dooda kaga qaaday dad muhaajiriin u badan oo marayay wadada hareeraheeda magaalada Macerata ee bartamaha waddanka Talyaaniga, iyadoo ay halkaasi ku dhaawacmeen ilaa afar qof.

Toogashada ayaa waxa ay ka dhacday qeyba kala gadisan oo ka tirsan magaalada, oo ay ka mid tahay meel u dhaw xarunta tareennada laga raaco ee magaaladaasi sida uu ku warramayo TV-da dawlada ee Rai.

Warar aan wali si rasmi ah loo xaqiijin ayaa tirada dhaawaca waxa ay ka dhigayaan ilaa lix qof,kuwaas oo dhamaandood lagu sheegay inay ahaayeen dad muhaajiriin ah,waxayna wararku intaasi ku darayaan in labo qof ay kusii jiraan gaadhiga ay la socdeen dalxiisayaasha rasaastu qabsatay.

Xafiiska Maayirka magaalada ayaa fariin uu soo dhigay barta Twitterka waxa uu dadka uga digay in aanay guryaha ka soo bixin weerarka dhacay awadii, kaas oo la rumaysan yahay inuu sii soconayo.

Rasaas ayaa laga maqlayay xaafadaha Via Spalato iyo Via dei Velini ee magaalada, halkaas oo uu ka socday baaritaan ku aaddan dilka gabar 18 jir ah taas oo maydkeeda Arbacadii laga helay xaafadahaas.

Dilka gabadhaasi ayaa waxaa loo soo xiray nin u dhashay waddanka Nigeria.



Views : 18



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines