Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

QM Oo kuuriyadda Waqooyi ku Eedeysay Inay ku Xadgudbay Cunaqabateynta Caalamiga Ee la Saaray.



Sat 03 February 2018.

Warbixin ay soo saareen guddi khubaro ah oo katirsan Qaramadda Midoobay ayaa lagu sheegay in kuuriyadda Waqooyi ay ku xadgudbay cunaqabateynta caalamiga ee la saaray,Waxayna sheegeen in lacag gaaraysa laba boqol oo milyan oo doolar ay ka heleen allaabta sida sharci darada ah ay dibedda u dhoofiyaan dalkaasi.

Warbixintan oo loo gudbiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidookale lagu sheegay in dhowr waddan oo ay kamid yihiin, Shiinaha, Ruushka iyo Maleesiya ay ku guuldareysteen inay wax ka qabtaan dhoofinta badecooyinka sharci darrada ah ee Kuuriyad waqooyi.

Warbixinta ayaa ku eedeneysa xukkumada Pyongyang in sidookale ay hub u dirtay dalalka Suuriya iyo Myanmar, waxaana lagu eedeyay inay ku xadgudubtay xeerka cunaqabatynta caalamka.

Kormeerayaashan ayaa sidookale baaritan ku sameeyay inkabadan labaatan Markab oo dhuxul u siday dalalka jaarka la ah kuuriyada waqooyi. Safiirka Myanmar u fadhiya Qaramada midoobay oo ka jawaabaya eedeymahaasi ayaa sheegay in dalkiisa uusan xiriir hub kala iibsi ah uusan la laheyn Kuuriyada waqooyi.

Warbixinta waxaa kale oo ay sheegeysa in dhowr shirkadaha shidaalka caalamiga uu ku socda baaritaan ku aadan dowrka ay ku leeyihiin shiidaal siinta Kuuriyada waqooyi.



Views : 20



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines