Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Denjire David Concar Oo Madaxwaynaha Juboland kala Hadlay Xal U Helida Xiisada ka Dhextaagan Maamulkaasi.(Sawiro)



Sat 03 February 2018.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay Danjiraha Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr David Concar.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo qaar kamid ah xubnaha golaha Wasiirada.

Danjire David Concar ayaa sheegay in kaalmada ay ku bixiyaan Soomaaliya ay sii laban laabayaan isagoo sheegay in si gaar ah ay diirada u saarayaan deeganada Jubbaland si baahiyaha jira wax looga qabto.

Mr David Concar ayaa madaxwaynaha ugu in wadahadal lagu dhameeyo xiisada siyaasadeed ee ka dhex curtay maamulkaasi, Sidoo kale ku booriyay in xaliyo cabashada xildhibaanada lagu Maxkamadaynayo Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu Dowlada UK uga mahad celiyay talooyinka uu usoo jeediyay Denjiraha iyo tageerada ay siiso Soomaaliya isagoo ku booriyay in dadaalka ay Ingiriisku ku bixinayaan dib usoo kabashada Soomaaliya ay sii dardar galiyaan.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in adeegyada ay Uk ka fuliso deeganada Jubbaland ay yihiin kuwo natiijooyin fiican ay ka soo baxayaan balse loo baahan yahay in mar walba lagu saleeyo baahiyaha jira

Adeegyada Waxbarashada Caafimaadka dib u habaynta qoxootiga kasoo noqonaya dibadaha iyo arimo kale oo ay kamid tahay tayaynta Ciidamada Booliska ayuu Madaxweynahu sheegay in Jubbaland ay siinayso mudnaanta koobad taageerada Saxiibada Soomaaliyana ay mar walba muhiim u tahay.



68 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines