Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxa Maxkamadda ka Hortagga Musuq-maasuqa Nigeria Oo Lagu Eedeyay Wax Is Bada-marin.



Sat 03 February 2018.

Maxkamadda Nigeria u qaabilsan ka hortagga musuq maasuqa, Danladi Umar, ayaa lagu eedeeyay inuu laaluush qaatay.

Guddiga Musuq maasuqa ee Nigeria ayaa garsooraha ku eedeeyay inuu kumannaan kun oo doolar ka dalbaday qof looga shakisan yahay inuu musuq maasuq sameeyay.

Shakiga laga qabay gudoomiyaha Senate-ka Nigeria oo ah siyaasiga saddexaad ee ugu awoodda badan waddankaasi -ayaa daacadnimadiisa soo shaacbaxay kadib markii la caddeeyay sanadkii la soo dhaafay inuusan musuq maasuq ku lug lahayn.

Madaxweynaha Nigeria Muxamadu Buhari ayaa wacad ku maray inuu waddankaas ka baabi'in doono falalka musuq maasuqa iyo dadka sharciga ka sarreeya.

Ma ahan markii ugu horreysay ee uu Mr Umar lagu eedeeyo inuu laaluush qaatay,balse ma jiro waxa war ah oo ka soo baxay Maxkamada Mr Umar.



113 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines