Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Cabdi Qeybdiid Oo Sheegay inuu ka Walaacsan-yahay Qatar Amni daro Oo ku Wajahan.



Sat 03 February 2018.

Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka labada Golle ee Baarlamaanka Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay weerarkii bil kahor gurigiisa lagu qaaday.

Waxa uu sheegay Cabdi Qeybdiid iney jiri karto qatar ku wajahan isaga iyo qoyskiisa, waxa uuna ku dhaliilay dowladda Federaalka in aysan wax ka qaban dadkii ka dambeeyay weerarkii 30-kii December 2017 lagu qaaday hoygiisa.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in weerarkii gurigiisa lagu qaaday la doonayay in isaga lagu dilo balse ilaahey ka bad baadiyay, waxa uuna tilmaamay in arrintan aanay kaligiis qatar ku ahaan karin ee sidoo kale ay ku tahay cid walbo oo kamid ah madaxda dowladda .

Waxa uu xusay Senator Cabdi Qeybdiid weerarkii lagu qaaday gurigiisa uu ka qaaday murugu badan, waxa uuna tilmaamay in qoyskiisa wali ay dareemayaan cabsidii ay ka qaadeen weerarkaasi.

Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka labada Golle ee Baarlamaanka ayaa ugu baaqay labada Golle ee Baarlamaanka in Guddi baaritaan u saaraan arintan si uu uga bad baado qatar kale oo noloshiisa ku timaada.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa weerarkii Cabdi Qeybdiid gurigiisa ku qaadeen ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya waxa ay u saartay Guddi baaritaan, hasa ahaatee ma jirto wali wax natiijo ah oo kasoo baxday baaritaankaasi.



Views : 27



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Dawlada Somaliya Oo Amartay In Caawa la Bilaabo Howl gallo Lagu Xaqiijinayo Amniga Muqdisho.