Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Mareykanka Oo Iibka Hubka ka Mamnuucay Dalka South Sudan.



Fri 02 February 2018.

Dowladda Mareykanka ayaa hubka ka mamnuucday in la geeyo dalka South Sudan, Taasoo Mareykanka uga golleeyahay sidii loo soo afjari lahaa collaada afarta sanno qaadatay ee ka taagan waddankaasi.

Mareykanka ayaa gollaha ammaanka ee Qaramada midoobay ku booriyay inay meelmariyaan qaraar cunaqabateyn dhanka hubka ah lagu saarayo South Sudan.

Inkastoo Mareykanka aanu hub toos ah ka iibinin dalkaasi ayaa haddana xukuumadda Washington waxaa ay mamnuucay in shirkadaha Mareykanka ee arrimaha difaaca ay wax hub ah ka iibiyaan dowladda South Sudan.

Xukuumadda madaxweyne Trump ayaa sidookale walaac ka muujisay sida hogaamiyeyaasha dalkaasi ay ugu guuldareysteen inay soo afjaraan collaada ka taagan South Sudan.

Bishii hore ayay aheyd markii safiirka Mareykanka ee Qaramada midoobay, Nikki Haley ay sheegtay in Mareykanka uu ka quustay madaxweynaha South Sudan, iyadoo sidookale ku tilmaamtay saaxiib aan ku habooneyn nabadda.



111 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines