Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Al-shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyada Qarax Dhimasho Gaystay Oo ka Dhacay Gaalkacyo.



Fri 02 February 2018.

Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegatay in ay ka danbeeysay Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada maamul gobolleedka Puntland.

Al-shabaab ayaa sheegatay in qaraxaasi ay ku dileen Farxaan Caato oo sida ay sheegeen ka tirsanaa laamaha sirdoonka maamul gobolleedka Puntland.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku saabsan qaraxa uu ku dhintey Faarax Caato.

Wararku waxaa ay sheegayaan in sarkaalkan la dilay uu ka soo baxay Masjid ku yaal agagaarka xarunta cusub ee dowlada hoose ee magaalada Gaalkacyo isagoo ku soo Tukaday salaadii Jicmaha waxana uu qarxay gaarigiisa isagoo doonayay inuu gurigiisa u kaxeysto.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dad rayid ah ay dhaawacyo ka soo gaareen qaraxan iyagoo ku sugnaa meel aan ka fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay.

Saraakiil hore ayaa ku dhintey magaalada Gaalkacyo kadib markii baabuurtoodii loogu xirey waxyaalaha qarxa.



Views : 20



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines