Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweyne Biixi Oo Dhismaha Xukuumadiisa Cusub ay ka Muuqato Cadaaladaro Dhinaca Saami Qaybsiga Beelaha.(Akhriso)



Fri 02 February 2018.

Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa haatan u muuqda inuu dhamaystiray inta badan xukuumadiisa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa tan iyo wakhtigii loo dhaariyey xilka madaxtinimada somaliland waxa uu ku guda jiray dhismaha xukuumadiisa oo uu wakhtiba xubno kooban magacaabayey, iyada oo si weyna isha loogu hayey qaabka uu beelaha somaliland ee heshiiska ku ah saami qaybsiga xukuumada uu ugu kala xaqsoori doono.

Qaar badan oo ka mid ah beelaha ayaa hore cabasho uga qabay saamiga ay ku lahaayeen dawladihii kala dambeeyey isla markaana rajo fiican ka qabay madaxweynaha cusub ee somaliland ayaa u muuqda inay god ku dhacday rajadii ay ka qabeen ee ahayd inay saami u qalma ka helaan dawladnimada somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa saami buuran siiyey beesha uu ka soo jeedo iyo beelaha kale ee ay gaashaanbuurta ku yihiin xisbiga Kulmiye, waxaana wakhtigan beelihii darifyada ka miisaan batay Jilibka uu kasoo jeedo madaxweyne Muuse Biixi.

Ugu horayn aynu ka bogano tirada digreetooyinka uu madaxweyne Muuse Biixi ku taxay Jilibka uu kasoo jeedo ee Habar Awal.

1. Sacad Cali Shire Wasiirka Arrimaha Dibada

2. Cabdilaahi Abokor wasiirka gaadiidka iyo horu marinta Jidadka

3. Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi gelinta

4. Maxamed Muuse Diiriye wasiir ku xigeenka arimaha gudaha

5. Cabdi Maxamed Rodol Maareeyaha Hay’adda Duulista

6. Dr Cabdilaahi Sheekh Cabdilaahi Wasiirka Boosaha

7. Axmed Abokor Agaasimaha Guud ee wasaarada horu marinta maalgashiga

8. Maxamed Cabdi Xergeeye agaasimaha guud ee wasaarada horu marinta caafimaadka

9. Axmed Yuusuf Dirir hanta dhawraha guud qaranka

10. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) gudoomiyaha gobolka Gabiley

11. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale gudoomiyaha gobolka Saraar

12. Faysal Cali Sheekh Maareeya Hay’adda Ka Hortaga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka Qaranka

13. Agaasimaha guud ee madaxtooyada somaliland.

Sidoo kale beesha madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa hore u haysatay xilalka kala ah.

1. Taliyaha guud ee ciidamada qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani

2. Gudoomiyaha Maxkamada sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali

3. Maareeyaha dekedah qaranka

4. Khadar Maxamed Cakule Maareeyaha TV-ga Qaranka

5. Maareeyaha xafiiska diiwaanka sakada Sheekh Siciid Maxamed Faarax

6. Maayarka Caasimada Hargeysa

Sidoo kale halkan ka akhriso xilalka uu ku taxay masuuliyiinta beesha dhexe ee ka baxsay jilibka uu madaxwaynaha kasoo jeedo.

1Maxamed Kaahin Arimaha Wasiirka Arimaha Gudaha --- Reer Daahir / Habar Jeclo

2 Yuusuf Maxamed Cabdi Raage Wasiirka Maaliyada -- Ciidagale

3 Sheekh Khaliil Wasiirka Diinta Iyo Awqafta --- Reer Adan / Arab

4 Yuusuf Mire Maxamed Boos Wasaarada Ciyaaraha --- Habar Yoonis

5 Hinda Jaamac Gaani Wasiirka Arimaha Bulshada --- Reer Yoonis / Habar Jeclo

6 Maxamed Axmed Cawad Wasiirka Horumarinta Maalgashiga -- Guulane / Arab

7 Xassan Gaafadhi Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumeysiga -- Biciide / Habarjeclo

8 Shugri Baandaare Wasiirka Deeganka -- Habaryoonis

9 Jamac Maxamuud Cigaale Wasiirka wasaarada Macdanta --- Habarjeclo

10 Cabdilaahi Abokor Wasiirka Gadiidka Iyo Horumarinta Jidadka --- Ciise Muuse

11 Maxamuud Xaaji Cilmi Wasiirka Xidhiidhka Golahayasha -- Habarjeco

12 Dr Xassan Ismaciil Yuusuf Warsame Wasiirka Caafimaadka -- Habaryoonis

13 Liban Yuusuf Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada -- Subeer Celi / Arab

14 Maxamed Muuse Abeys Wasiir ku xigeenka Warfaafinta -- Ciidagale

15 Yurub Abiib Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha -- Ayuub

16 Maxamed Daahir Fure Wasiir ku xigenka maaliyada -- Toljecle

17 Eng Xussen Buuni wasiir ku xigeenka qorsheynta -- Gabooye

18 Cabdiqaadir Dhego weyn Wasiir ku xigeenka waxbarashada --- Ciidagale

19 Cabdnasir Kadin wasiir ku xigeenka caafimaadka -- Habar Jeclo

Dhinaca kale aynu soo bandhigno tirada digreetooyinka uu madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay beelaha darafyada.

Masuuliyiinta Ka Soo Jeeda Beelaha Harti

Ciise Axmed Cabdala Wasiirka Gaashandhiga ---- Beesha Warsan Gali

Wasiirka Biyaha Saleebaan Cali Koore Dhulbahante

Wasiirka waxbarashada iyo Sayniska Yaasiin Faratoon Dhulbahante

Cabdirashiid Xaaji Ducaale Wasiirka Hawlaha Guud Dhulbahante

Xamda Daahir Af Qarshe Agaasimaha maamulka lacagta ee guddida xakamaynta Aids-ka Beesha Dhulbahante .

Masuuliyiinta Ka Soo Jeeda Gobolka Awdal

Axmed Muumin Seed Wasiirka horu marinta beeraha

Maxamed Sacad Iidle Saajin Wasiirka Wasaarada Ganacsiga

Cawaale Ibraahin Shirwac Wasiirka Qorsheynta.

Jaamac Yuusuf Axmed Gudoomiyaha gobolka Saaxil oo dib loo magacaabay.

Prof Maxamed Faarax Xareed Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada iyo sayniska Beesha Ciise.

Cabdiqani Maxmuud Caateeye Wasiirka Wasaarada Cadaalada --Beesha Ciise

masuulka kaliya ee kasoo jeeda Beesha gabooye

Eng Xussen Buuni wasiir ku xigeenka qorsheynta

Xilalka uu madaxweyne muuse Biixi Cabdi ku taxay beeshiisa Habar awal oo dhan 13 ayaa leeg xilalka uu u magacaabay beelaha dega gobolada Sool, Awdal iyo xilalka kale ee beelaha kale ee Isaaq uu ku taxay ay dhan yihiin 19 xil.

Madaxweynaha cusub ee somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa looga baahan yahay inuu dib iskugu noqdo isla markaana dawladnimada iyo xilalka uu dhaafiyo beeshiisa oo haatan haysata saamiga ugu badan si loo sugo wax wada lahaanshaha somaliland iyo in beel waliba saami u qalma ay ka hesho dawlada somaliland.

Habka uu haatan madaxweyne Muuse Biixi u qaybiyey xilalkii Xukuumadiisa ayaa durba dood ka dhex dhalisay bulshada somaliland, iyada oo su,aal la galinayo qaabka ay suura gal u tahay maamul ku dhisan cadaalad oo madaxweyne Muuse Laga sugo mudada badan ee uga hadhay wakhtigii la doortay.

Talaabada uu qaaday madaxweyne Muuse Biixi ayaa noqon karta mid dhaawacda wada jirka iyo wax wada lahaanshaha somaliland, iyada oo haatana ay sii muuqato kala qaybintii ay bulshada kaga tagtay doorashadii madaxtooyada ee dhacday dabayaaqada sanadkii hore.



Views : 32



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines