Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dowladda Sri-lanka Oo Shaacisay Inay ku Biirayso Kooxda la Dagaallanka Burcad Badeedda Somaliya.



Fri 02 February 2018.

Dowladda Sri Lanka ayaa qorsheynaysa inay ku biirto waddamada ku bahoobay kooxda ilaalada xeebaha iyo la dagaallanka burcad badeedda Soomaaliya ee (CGPCS) the Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia.

Golaha wasiirrrada xukuumadda Sri-lank ayaa ansixiyay soo jeedinta Madaxwaynaha Dalkaasi Maithripala Sirisena; ee ahayd inay dowladdiisu codsi rasmi ah u gudbiso kooxda ilaalinta xeebaha iyo la dagaallanka Buracad Badeedda Soomaaliya.

Intii u dhaxaysay Sanadihii 2005 illaa 2010 ayay ahayd markii ay dhaceen Afduubyadii ugu badnaa ee lagu qafaasho Maraakiib ganacsi, kuwaasoo intooda badan gooshayay Badweynta Hindiya.

Weerarrada Maraakiibta ganacsiga ayaa xilligaasi waxay saameyn xooggan ku yeesheen ganacsiga xorta ah iyo guud ahaan dhaqaalaha caalamka.



128 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines