Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Faahfaahin ka soo Baxday Qarax Lala Eegtay Ciidamada AMISOM Oo ka Dhacay Duleedka Balcad.



Fri 02 February 2018.

Faahfaahin kasoo baxday weerar miino ah oo lagula eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada Midowga Africa ee AMISOM duleedka Waqooyi ee degmada Balcad gobolka Sh/dhexe.

Wasiirka Amniga Maamulka Hirshabelle C/qaadir Aadan Jeelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada la bartilmaameesaday wax khasaare ah ka soo gaarin Qarax, laakiin gaariga ay la socdeen wax yeelo soo gaarto.

Qaraxan ayaa gaar ahaan ka dhacay deegaan lagu magacaabo HaanSheekh oo u dhexeysa Balcad iyo Gololey ayaa ah goob labo toddobaad ka horay miino kula qaraxday gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in howlgal laga sameeyay halkaa oo dhir ay ku dhuuman jireen Al-Shabaab laga jaray haatana ay qorsheynayaan in ciidamo isugu jira Soomaali iyo ciidamada AMISOM la dejin doono.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa dhawaan shirkii golaha Wasiirada ka dhax sheegay in dhamaan gobolka Shabeellaha dhexe laga sifeeyay Al-shabaab.



112 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines