Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Wasiirada Waxbarashada Somalia S/Land Puntland Oo Sawir Muran Dhaliyay ku Wada-galy Shir ka Dhacay Nigeria.



Fri 02 February 2018.

Wasiirka waxbarashada iyo sayniska ee somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa ka soo dhex muuqday shir lagaga hadlayo waxbarashada oo ay ka qayb galeen maamulada iyo dawlada federaalka ah ee soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada somaliland Oo La Sawiran Wasiirka waxbarashada dawlada federaalka ee soomaaliya iyo wasiirka waxbarashada maamulka Puntland

Shirka uu ka qayb galay wasiirka waxbarashada somaliland oo ka dhacay magaalada Abuja ee xarunta dalka Nigeria ayaa lagaga hadlayaa waxbarashada Afrika, iyada oo dawlada federaalka ah ee soomaaliya ay shirkaas ka qayb galisay qaar ka mid ah wasiirada waxbarashada ee maamul goboleedyada soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada iyo sayniska ee somaliland ayaa kasoo dhex muuqday shirkaasi, isaga oo la sawiran wasiirka waxbarashada ee dawlada federaalka ah ee soomaaliya iyo wasiirka waxbarashada ee maamulka Puntland.

Shacabka somaliland ayaa baraha bulshada isku waydaarsanaya fikradaha ay ka qabaan in wasiirku ka qayb galo shirkaasi, iyada oo dadka qaar ay ku doodayaan in dawlada federaalka ah ee soomaaliya ay wasiirka ku soo martiqaaday shirkaasi.

Wasiirka waxbarashada somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaan wakhtigii uu dalka baxayey cadaynin ka qaybgalka shirkaasi balse waxa looga fadhiyaa in marka uu soo laabto uu cadeeyo heerka uu shirkaas kaga qayb galay iyo cida soo martiqaaday.



78 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines