Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Khasaaro ka Dhashay Iskahorimaad ku Dhex maray Ciidamada Koofurgalbeed Magaalada Baydhabo.



Fri 02 February 2018.

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya khasaaro ka dhashay israsaasayn xoogan oo maanta dhexmartay ciidamo ka wada tirsan maamulka Koofurgalbeed kuwaasoo kala taageersanaa malaaq dhowaan la caleemo saaray.

Iskahorimaadkan ayaa la sheegay in labo askari ay ku dhinteen halka labo kalana ay ku dhaawacmeen waxaana askartii ku dhaawacantay lagu dabiibayaa isbitaalka magaalada Baydhabo.

Ciidamada dagaalamay ayaa la sheegay inay kala taageersanaayeen hogaamiyo dhaqameedyo isku haystay ciddii bedeli lahayd nabadoon ku dhintey qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ciidamada Booliska ee dowlad goboleedka Koofurgalbeed ayaa kala dhex galay ciidamadii Milatariga ahaa ee dagaalamayay iyagoo ammaankana dib u soo celiyay,waxaana dib u furmay goobihii ganacsiga iyo isku socodkii gaadiidka oo dagaalku hakiyay.

Xaalada magaalada Baydhabo ayaa degen haatan balse Waxaa jira khilaafyo isa soo taraya oo ah ciddii lagu bedeli lahaa malaaqyo ku naf waayay qarax ka dhacay Hotel Dayax ee magaalada Muqdisho.



112 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines