Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Jarmalka Oo Sheegay in Uu soo Gabagabeeynayo Howlgaladii Tababarada Ciidamada Somaliya.



Fri 02 February 2018.

Dowladda Jarmalka oo ayaa shaacisay in gabi ahaanba ay soo afjareyso howlgaladii tababarada ciidamada Soomaaliya ee midowga Yurub oo ay qeyb ka ahaayeen.

Jarmalka ayaa ka mid ahaa qorshe midawga Yurub uu ku tababaro ciidamada xoogga dalka, iyaga oo ku soo biiray mashruucan sanadkii 2010-kii xilligaa oo dowladda Soomaaliya ey ku furnaayeen dagaalo u muuqday in ay u caalweeysay.

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in gabi ahaanba ey ciidamo oo dhan 20 askari oo ah tababarayaal ciidamada sugan gudaha soomaaliya ay dalka kala bixi doonaan bisha Maarso ee sanadkan.

Jarmalka ayaa waxa uu soo gababagabeen doonaa howgalklan oo uu jiray muddo Sideed sano ah.

Warkan oo lagu qoray wargeeska Afka Jarmalka ku soo baxa ee lagu magacaabo De Spiegel ayaa xubin ka mid ah Wasaaradda Arimaha dibadda ee dalkaasi oo wareysi siiyay waxaa uu xaqiijiyay in howgalkaa ay isaga soo bixi doonaan sababtana waxaa uu ku sheegay horu- u -socod yari ka jirta Soomaaliya.

Ciidamda Qaranka Soomaliya horu-markoodu si gaabisa ayuu ku socdaa waxanana keenay dhibaatooyinka ka taagan dhanka siyaasadda iyo waliba hay’dihii dowladda oo heerkii ku haboonaa uusan gaarin dhismahoodu.

Sidaa waxaa u sheegay Wargeyska De Siegel xubin ka mid ah Wasaaradda Arimaha dibadda Jarmalka.

Soomaliya ayaa jooga sida warbixintan lagu sheegay ku dhawaad 155 Saraakiil la taliyaal ciidan ah oo ka socday 12 Wadan oo Midawga Yurub ka tirsan.



138 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines