Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Trump Oo si Kulul U Weeraray Madaxda Sare Hay'ada Dambi Barista Mareykanka Ee FBI



Fri 02 February 2018.

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa si kulul u weeraray saraakiisha sarsare ee hay'ada dambi barista Mareykanka ee FBI.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu madaxwayne Trump ku eedeeyay FBI iyo waaxda cadaaladda ee Mareykanka inaysan dhexdexaad ka ahayn oo ay siyaasadeynayaan baaritaanada ku socda,sidoo kalena waxa uu labadaba ku eedeeyay in ay u xaglinayaan xisbiga Dimuqraadiga oo ay uga eexanayaan.

"Hogaanka sare iyo baarayaasha FBI iyo waxaada cadaaladda ayaa siyaasadeeyay geedi socodka baaritaanada," ayuu madaxwaynaha ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa Tweeter-ka.

Fariintiisan uu soo dhigay Tweeter-ka ayaa ku soo beegmaysa xilli la filayo in la soo saaro warqad sir ah oo ku saabsan xisbiga Jamhuuriga.

Warqadan ayaa la rumaysan yahay in FBI ay ku eedeeyn doonaan in dhinac ay u xaglinayaan taasi oo ka dhan ah Mr Trump.

Dimuqraadiyiinta ayaa waxay dhankooda ku tilmaameen dikumiintigani sirta ah in uu yahay mid looga gol leeyahay in lagu minja xaabiyo baaritaanada ka dhanka ah Mr Trump.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa marar badan beeniyay eedeynta ku saabsan in Ruushka ay faragalin ku sameeyeen doorashadii Mareyanka ee 2016.

Laanta danbi baarista Mareykanka ee FBI ayaa dhankooda ka walaacsan in warqadani ay tahay mid aan sax ahayn.

Madaxwayne Trump ayaa horey u sheegay in sumacddii FBI ay burburtay , waxa uuna bishii May ee 2016 shaqada ka ceyriyay madaxii hay'adaasi James Comey.)



105 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines