Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Tahriibayaal U Badan Pakistaan Oo Dooni kula Degatay Xeebaha Liibiya.



Fri 02 February 2018.

Hay'ada socdaalka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 90 muhaajiriin ah laga cabsi qabo in ay badda ku qaraqmeen ka dib markii doontii ay la socdeen ay ku degtay xeebaha dalka Liibiya.

Saddex ka mid ah dadkii ka badbaaday doontaasi ayaa sheegay in inta badan dadka doonta ku qaraqmay ay ahaayeen dad u dhashay dalka Pakistaan.

Hay'adaha gargaarka iyo Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay dowladaha Yurub in qaab aan bina'aadanimo ahayn ay u wajaheen arrintan.

Hay'adda Amnesty ayaa sheegtay in dowladaha Yurub ay ku lug yeesheen jirdil loo gaysto muhaajiriinta.

"Maydadka Tobon qof ayaa la sheegay in xeebaha liibiya ay ku soo caariyeen waxaa sidaasi lagu sheegay bayaan ay soo saartay hay'adda socdaalka aduunka ee (IOM).

Afhayeen u hadlay ha'adda ayaa sheegay in Pakistaniyiinta isku dayaya in ay Taliyaaniga gaaraan ay sii kordhayeen.

Dadka dhintay iyo kuwa badbaaday ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah dad Liibiyaan ah,

Liibya ayaa muddo sanado ah marin u ahayd tahriibayaasha doonaya in ay gaaraan bariga Yurub iyaga sii maraya Badda,Balse sanaddii aanu soo dhaafnay ayaa waxa ay dalalka Yurub heshiis muran dhaliyay la galeen ilaalada xeebaha Liibiya si ay gacan uga gaystaan joojinta qulqulka muhaajiriinta doonaya in ay Taliyaaniga gaaraan.



Views : 21



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines